Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ka furmo maalinta berri ee 5 September 2016.
Shirkan Madasha Qaran oo hore loo qorsheeyay inuu inuu furmo 7 Bishan September ayaa loo soo hormariyay muddo maalmood kadib markii uu soo dhex galay shir madaxeedka IGAD ee Muqdisho iyo dalab ka yimid Beesha caalamka.
Beesha caalamka ayaa madaxda Madasha Qaran ka dalbatay in la soo afjaro shirarkooda oo soo dhex galay howlihii doorashada isla markaana xal degdeg loo helo Aqalka sare oo weli aan la dhameystirin khilaafka ka taagan.
Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa la filayaa in berri soo gaaraan Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirkan ugu danbeeya ee Madasha Qaran, arrinta ugu weyn ee shirka horyaala waxaa ka mida maqaamka Muqdisho.
Goobjooge.com