Shir ay yeelanayaan madaxda Madasha Qaran ee dalka ayaa la sheegay inuu ka furmayo magaalada Muqdisho, kadib markii hore loo sheegay inuu ka dhacayo magaalada Garowe ee maamul goboleedka Puntland.
Shirka oo noqonaya kii ugu danbeeyay ee madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyadu yeeshaan ka hor inta aan la bilaabin qabanqaada doorashada 2016 ayaa lagu wadaa inuu Axadda berito ka furmo Maghaalada Muqudisho.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa hore uga sheegay Garowe markii uu ka laabtay magaalada Muqdisho in shirka madasha Qaran ka dhici doono magaalada Garowe, taasoo hadda u muuqata in laga wareeejiyay.
Magaalada Muqdisho waxaa maanta gaaray qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada sida Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, wuxuuna markii uu yimid Muqdisho Warbaahinta u sheegay inuu shir uga furmi doono Muqdisho madaxda Soomaalida, kaasoo ku sabassan doorashada Sanadkaan 2016.
Qodobka ugu weyn ee Madasha hor yaal ayaa ah sidii xubno looga siin lahaa Gobolka Banaadir Aqalka sare ee Baarlamaanka, taasoo muran badan ka taagan yahay.
Goobjooge.com