Shirka musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee maalintii saddexaad maanta la filayey in las oo gabagabeeyo ayaa dib u dhacay, iyadoo maalin dheeraad ah lagu daray.
Shirka ayaa la sheegay inuu socon doono ilaa Berri oo Talaado ah, waxaana kusoo kordhay kulamo ay musharixiinta la yeelanayaan qeybaha bulshada ee kala duwan iyo siyaasiyiin saameyn ku leh Doorashada. Saxaaafadda ayaa maanta loo diiday inay gudaha u galaan hoolka shirku ka socdo.
Waxaa maanta shirka oo ka socda Hotel Jazeera tegay Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi oo ah wehiyaan iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Gobollada Waqooyi sida xikdhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo si weyn uga horjeeda Guddiyada Doorashada ee xukuumadu magacawday.
Shalay waxay musharixiinta la kulmeen xubno ka socday bulshada rayidka, Odayaasha dhaqanka iyo Culimada, iyadoo ka wadahadlay sidii doorasho nabad ku dhacda loo qaban lahaa, khilaafka taaganna loogu dhammeyn lahaa si nabad ah.

