Shirkii Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa goor dhoweyd ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.
Shirka oo saacado dib u dhacay ayaa waxaa ka qeyb galaya labada dhinac oo uu wehliyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, waxaana la sheega in looga hadlayo sii wadista wadahadalladii iyo xaaladda khilaafka Doorashooyinka.
Shirka ayaa la hadal hayey inuu baaqanayo, markii cadaadis ka yimid Madaxtooyada, waxaase suuragalay in markii ugu danbeysay uu qabsoomo.



Warar Xul ah