Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyadoo la filayay in la baajiyo, laakiin waxaa ku adkeystay in la qabto ku simaha Ra’iisal wasaaraha oo ah wasiirka Cadaaladda C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir.
Waxaa la yaab noqotay inay shirka kasoo xaadireen 4 wasiir oo qura, iyadoo ay dalka ka maqan yihin 21 wasiir oo ku dhowaad 20 wasiir ay ku sugan yihiin dalka Turkiga. Shirka Maanta ee Golaha wasiirada ayaa waxaa loo qaatay in lagu qabto magaalada Istanbul, laakiin Kusimaha ra’iisal wasaaraha ayaa booskii wasiirada ku buuxiyay wasiir ku xigeeno sidaasina shirka ku shir ay fadhiyaan 4 wasiir iyo shir guddoomiyaha.
Wasiirada Muqdisho ku sugan waxay kala yihiin Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiir C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Wasiir Ugaas Bile iyo Wasiirka Maxamed Cumar Ceymooy.
Wuxuu shirka Golaha wasiirada ee maanta ahaa mid muuqaal cusub leh, waxaana lagu tilmaamay SHIRKA KU-SIMEYAASHA GOLAHA WASIIRADA, kadib markii mar kaliya ay dalka ka dhoofeen madaxdii dalka oo dhan, madxweyne ilaa wasiiro.
Goobjooge.com