Waxaa maalintii labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha Doorashooyinka, waxaana la sheegay in shirku oo la furay isagoo ahaa shir aan ajende lahayn, la iskuna raacin.
Shirkan oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay furmay, waxaana la sheegay in looga hadlayo dardar gelinta Doorashada oo heshiiskii lagu gaaray in lagu qabto muddo 2 bi gudaheed ah ay hadda Bil u dhammaatay.
Shirka ayaa maanta warbixin looga dhageysanayaa Kooxda la-taliyeyaasha Rooble ee la baxay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.
Arrinta la isku waafaqsan yahay ahaa ah inaysan doorashadu ku qabsoomi karin xilligii hore loogu qabtay ee 2-da bilood ahayd, waxaana la ogeyn in waqti kale la qaban doono iyo in loo dhaafi doono Guddiyada Doorashada.
Arrimaha cakiran ee Doorashada hortaagan sida: Xaaladda Gobolka Gedo ayaan weli la gudagelin, waxaana soo kordhay qorshe lagu doonayo in dib loogu noqdo heshiiskii hore ee Doorashada 17-ka September 2020, si wax looga bedelo, taasoo ay beenisay xukuumadda xilgaarsiinta.
Arrimaha la hadal hayo in isbedel lagu sameeyo ayaa waxaa ka mida: magaalooyinka lagu qabanayo Doorashada in lagu soo koobo hal magaalo, in la dhimo kharashaadka musharixiinta Doorashada ee kala duwan iyo in la yareeyo tirada ergada oo ahayd 101.
