Sunday, July 13, 2025

Shirweynaha La-dagaalanka Xag-jirnimada oo ka furmay Muqdisho (12 Dowlad oo ka qeygalaya- Sawirro)

Waxaa maanta ka furmay Caasimadda Muqdisho Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qaban-qaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayna maalgelisay Ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Shirka oo soconaya 29 iyo 30 April ayaa waxaa hadal ka jeediyay Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo diiradda ku saarray dhex dhexaadnimada diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed ee ka beermay nabadda iyo deganaanshaha, isagoo tilmaamay in rabshadda, argagaxisada iyo isqarxinta aanay ahayn wax laga yaqaan Soomaaliya, balse ay tahay aragti wax burburin oo dibadda laga soo minguuriyay.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa sheegay in shir noocaan ah oo ku qabsooma Muqdisho ay tahay guul taariikheed oo dhiirrigelinaysa nabadda iyo dadaallada lagu doonayo in looga takhaluso rabshadda, xagjirnimada iyo argagaxisada.
Wasiiru dowlaha Diinta iyo Awqaafta, Mudane Cabdishakuur Xasan Ashkir iyo Mudane Danjire Askar Mussinov oo ah Madaxa Wafdiga Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxa ay shirka ka jeediyeen laba khudbadood, iyadoo shirku galay dhowr fadhi oo furan oo toos looga baahiyay telefishannada iyo warbaahinta bulshada.

Image may contain: 3 people, people sitting, beard and suit
Image may contain: 3 people, suit
Image may contain: 3 people
Image may contain: 2 people, people sitting and indoor
Image may contain: 2 people
Image may contain: 3 people
Image may contain: 6 people, people sitting and suit
Image may contain: 4 people, people sitting
Image may contain: 1 person, suit
Image may contain: 4 people, people sitting and suit
Image may contain: 4 people, wedding and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON