Sunday, June 22, 2025

Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha oo la shaaciyay (Akhriso 9 Qodob)

Guddiga Doorashada Baarlamaanka Federaalka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray shuruudaha laga rabo musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Dalka.

Shuruudaha ayaa ka kooban 9 qodob, waxaana ka mida inuu bixiyo lacagta Musharaxa ee is-diiwaan gelinta oo gaarysa 40,000 Dollar.

Guddiga ayaa ku wargeliyey Musharixiinta inay raacaan habraaca diiwaangelinta Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha, ayna soo buuxiyaan habraaca diiwaangelinta hoos ku xusan:

Ad

Hoos ka Akhriso

1. Warqadda Aqoonsiga (ID ama Baasaboor);

2. Warqadda codsiga musharaxnimo;

- Advertisement -

3. Warqadda soojeedinta musharaxa;

4. Warqadda caddeynta buuxinta Shuruudaha Musharaxnimo;

5. Afar boqol nuqul oo barnaamijkiisa doorasho oo daabacan iyo nuqul elektoroonik ah ka hor maalinta hadaljeedinta.

6. Taariikh Nololeed (CV);

- Advertisement -

7. Laba sawir oo teesaro ah;

8. Warqadda cadeynta lacag qabashada;

9. Warqadda aqbalaadda iyo u hogaansamida habraacyada iyo natiijada doorashada;

Hadaba, musharaxiinta xilka Madaxweynaha waxaa lagu wargelinaya in ay soo dhammeystiraan dhammaan shuruudaha kor ku xusan si loo guddoonsiiyo Shahaadada musharaxnimo. Mahadsanidiin, Sen. Cabdiqani Geelle Maxamed Guddoomiyaha Guddiga

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON