Guddiga Qaban-qaabada doorahada guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa Shaaciyey shuruudaha laga rabo musharixiinta u tartamaya jagada guddoomiyaha golaha shacabka.
Guddiga ayaa shard uga dhigay wasiirada u sharxan xilkan inay is-casilaadoodu gudbiyaan una keenaan Guddiga qoraalka ay isku casileen, taasoo ah xaalad cusub oo ku timid wasiirada xukuumada ka mida ee jagadan u soo hanqal taagay;
HOOS KA AKHRISO SHURUUDAHA U SOO SAARAY GUDDIGA
1- Murashaxiinta araajidooda waxaa ay ku hagaajin karaan guddi-hoosaadka diwaan-gelinta murshaxiinta oo fadhigooda yahay xarunta Villa Hargeisa.
2- Murashaxa u tartamaya XILKA guddoomiyaha golaha shacabka, kana tirsan golaha wasiirrada waa inuu guddiga qabanqaabada u keenaa caddeyn ku xusan is-casilaadda/is-casilaadeeda marka uu is-diiwaangelinayo.
3- Kharashaadka is-diiwaangelinta murashaxiinta waxaa lagu shubayaa xisaabta furan Account No 127 ee Golaha shacabka ku leeyahay Bankiga Dhexe ee dowladda.
Jadwalka Doorashada:
Waqtiga Diiwaan-gelinta murashaxiinta Guddoomiyaha golaha shacabka 10.00 am-05.00 PM (Taariikh 23-24 April 2018 Isniin iyo Talaado).
Hadal-jeedinta murashaxiinta guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 25-26 April 2018, Arbaco iyo Khamiis).
Diyaar-garowga iyo is-xog wareysiga guddiga qabanqaabada doorashada guddoomiyaha golaha shacabka(Taariikh, 27, 29, 2018, Jimce, Sabti iyo Axad)
Doorashada Guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 30 April 2018, Isniin).