Sunday, June 22, 2025

Siciid Deni: “Gobolka Sool wuxuu ka tirsan yahay Puntland, waxaan diyaar u nahay dagaal..”

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo kahadlayay ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, igoo sheegay in Gobolka Sool uu yahay dhul ka tirsan Puntland, ayna diyaar u yihiin difaacooda.

Wuxuu sheegay in sababta dadka shacabka ah loogu dilay magaalada Laascaanood ay tahay id laga leeyahay ujeedoyin guracan oo kasoo horjeeda Soomaalinimada, wuxuuna ugu baaqay Dadka degaanada SSC in ay midoobaan oo garowsadaan in la joogo xiligii uu damiirkoodu shaqeyn lahaa.

Mar uu ka hadlay xaaladda Laascaanood ayuu yiri: “Dulqaadkii waa naga dhammaaday intaa ka badan uma dulqaadan doonno dumarka iyo caruurtayada Lagu jiidjiido Sool”

Ad

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay Puntland diyaar u tahay taageero, garab istaag ay ciidamadeeda ku difaacayaan dhulkeeda. “Ciidamada Puntland waxaan farayaa inay ilaalinyaan sharafka dadkooda haddii Laascano joogo iyo hadduu meel kale joogaba” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.

Siciid Deni wuxuu ku dooday inay dhinaca Puntland mar kasta diyaar u tahay xal siyaasadeed iyo mid dagaal labada, hadba kii soo wajaha, ciidamadduna diyaar u yihiin difaac.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON