Sunday, July 13, 2025

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo Digniin kasoo saaray xaaladda Doorashada iyo Caqabadaha hortaagan

Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka digay xaalad mugsi oo dalku ku socdo iyo arrimaha hortagan qabsoomida shirka wada-tashiga ee Doorashada.

War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynayaasha Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa lagu sheegay in aan weli is faham laga gaarin habkii uu u qabsoomi lahaa shirka.

Waxay Qoraalkooda ku sheegeen inay saddex toddobaad ku sugan yihiin Muqdisho, kuna yimaadeen martiqaadka beesha caalamka, welina ka dhowr sugayaan qabsoomida shirka si:

1. Loo dhammeystiro hirgelinta heshiiskii 17 September 2020, kaas oo gundhig u ah hannaanka hirgelinta doorashada Dalka,

2. Looga wada hadlo meel marinta soo jeedinadii Guddiga Farsamada ee Baydhabo 16 February 2021,

3. Lagana wada xaajoodo sharciyadda iyo awoodaha hay’adaha muddo xileedkoodii dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Shir Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah u socday muddo 3 maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarey sidii farsamo ahaan shirku ku qabsoomi lahaa, haseyeeshee  aysan suurto gelin in guul laga gaaro habkii loo wajihi lahaa qabsoomidda shirka.

“Dadaal ay wadaan Wakiilada Beesha Caalamka si ay shir isugu yimaadaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda federaalka ayaan weli hirgelin. Haddaba, waxaan ka digeynaa in wakhtiga kulanka oo sii dheeraada uu keeni karo in masiirka Dalka iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed uu meel mugdi ah ku dhaco.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maamulada Puntland iyo Jubbland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin qabsoomidda shir looga wada arrinsado xaaladda doorashada Dalka ayadoo qabsoomiddiisa loo marayo tub lays la oggol yahay, uuna saldhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.

No photo description available.
May be an image of text

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON