Tuesday, July 8, 2025

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo isaga tegay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu danbeeyay…

Madaxweynayaahsa maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa goor dhoweyd ka duulay magaalada Muqdisho, iyagoo dib ugu laabanaya xarumahooda Garowe iyo Kismaayo.

Diyaarado daqiiqo yar iska danbeeyay ayaa Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxmed Islaa ka qaaday Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana arrintan sabab looga dhigay markii uu soo xirmay jidkii wadahadalka, kadib muddo kororsigii ay ku dhaqaaqeen Aqalka Hoose ee Baarlamaanka iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa intii aysan ka dhoofin Muqdisho waxay kulan la yeesheen wakiilada Beesha Calaamka iyo madaxda Madasha Badbaado Qaran.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay soo bixi doonaan qoraallo kala duwan oo ku saabsan shacri darrada muddo kororsiga Farmaajo oo Puntland iyo Jubbaland ay shaacin doonaan inaysan aqoonsaneyn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON