Thursday, June 8, 2023

Beesha Calaamka oo kulankii ugu danbeeyay la yeelatay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe intaysan ka tegin…

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa shirararkii ugu danbeeyay la yeeshay madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo kusii jeeda degaanadooda.

Wakiilada Q/Midoobay, Midowga Yurub, Midowg Afrika iyo danjireyaasha Mareykanka iyo UK ayaa xarunta Xalane kulan kula leh Saciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, iyagoo uga hadlaya xaaladda dalku galay iyo sida loo wajahayo muddo kororsiga ay ku dhaqaaqeen madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmajo iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Kulamadan ayaa la sheegay in Beesha Caalamka loogu soo jeedinayo inay go’aan qaaadato, dalkana ka badbaasio xaalada mugdiga ee uu galay, waxaana lagu wadaa inay isla maanta Axmed Madoobe iyo Siciid Deni dib ugu laabtaan magaalooyinka Kismaayo iyo Garowe.

Ad

Dhinaca kale waxaa maanta kulan guud isugu yimid Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin mamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Siyaasiyiinta Waqooyiga iyo Midowga Musharixiinta, waxaana la filayaa inay go’aankooda la wadaagaan Beesha Caalamka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!