Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Puntland ayaa Xalay la wareegay xarunta Baarlamanka Puntland ee magaalada Garoowe.
Ciidamadan oo loo yaqaan PMPF, ahna ciidamo gaara oo ay taageero dowladda Imaaradka Carabta ayaa u suurageliyay inay maanta ku shaqo ku bilaabaan Guddiga muranka ka taagan yahay ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada, kuwaasoo uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne Siciid Deni.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah Qorshe uu ku dhaqaaqay Madaxweynaha Puntland ee xilligiisu sii dhammaanayo Siciid C/llaahi Deni oo ka tanaasulay Doorashadii ‘Qof iyo Cod’, balse hadda lagu eedeynayo inuu keligiis wato arrimaha doorashada.
Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Doorashada Baarlamanka ayaa isla maanta soo saaray Qoraalkoodii ugu horeeyay oo ay ku caddeeyeen adwalka iyo shuruudaha mushrrixiinta xildhibaannada ee ka mid noqonaya Golaha cusub ee Wakiilada Puntland.
Guddiga Ansixinta iyo Khilaafaadka Doorashada Baarlamanka Puntland ayaa sheegay inay todobaad gudihii ku soo saarayaan liiska Xildhibaannada cusub.
Waxaa arrintan ka horjeeda Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Guddoonka Baarlmaanka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka, waxaana Doorashada Madaxweynaha Puntalnd ka harsan wax ka yar Bil.