Friday, July 4, 2025

Siciid Deni oo xilalkii ka qaaday Taliyihii iyo Abaanduilihii Ciidamada Daraawiishta Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray waregto uu xilalkii uga qaaday Taliyaha Guud iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, isagoo xilalkaasi u magacaabay saraakiil cusub.

Siciid deni ayaa magacaabay xialalka soo socda:

1. Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Magacaabidda ayaa dhaqan gashay maanta oo uu saxiixay Madaxweynaha Puntland. Waxaa xilalkii laga qaaday Taliyihii hore Jeneraal Yaasiin Cumar Dheere iyo abaanduuliyihii hore.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xilalkii ka qaaday taliyeyaashii Ciidanka Asluubta Puntland, isagoo Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta, halka uu Cabdullaahi Cismaan Libaan u magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad, sidoo kale Cabdulqaadir Axmed-Khayr Muuse ayaa loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Asluubta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON