Monday, July 14, 2025

Sidee Alshabaab ku galeen Garoonka Muqdisho iyo Xalane? (Waxay iska dhigeen Shaqaale..!)

Su’aalo badan ayaa ka dhashay weerar aan hore loo arag oo dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ku qaadeen garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo xarunta Xalane, iyagoo qasaare dhimasho, dhaawac iyo hanti ka geystay halkaasi.

Alshabaab ayey u suuragashay inay Albaabka Marina Gate ee laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde adeegsadaan ayna dagaalyahanno ka tirsam halkaasi ka gudbaan, iyagoo howlgal ka fuliyey gudaha xarunta, saacado kadib intii aanay ciidamada amniga dilin.

Taliska Booliska aya sheegay in laba dhallinyarro ah oo ku hubeysnaa Bistoolado ay isku soo dhex qariyeen shaqaalaha muruqmaalka ah ee ka xoogsada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kadibna ay rasaas ka bilaabeen Koontaroolka Koowaad ee lagu baaro dadka iyo gaadiidka.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar oo la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in laga hortagay kooxdii argagixisada ee iyagoo shaqaaladaha garoonka isku ekeysiinaya soo weerarray Koontaroolka laga soo galo garoonka ee Marina Gate.

“Bistoolado ayay ku hubeysnaayeen, waxaa halkaas ku yaalla goobo ganacsi oo u badan dukano dad shacab ah ay leeyihiin” ayuu yiri Gen Xijaar.

Warka Taliyaha Booliska iyo taliskiisa soo saareen ayaa ka hor imaanaya xaqiiqada ka dhacday Garoonka Muqdisho iyo qasaaraha weeerarka, wxayna muujineysaa in beylah amni oo weyn ka jirto xaruntaas oo ah goob muhiim ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON