Monday, July 14, 2025

Sidee Booliska UK u qabteen Asaasihii Shabakadda Wikileaks Julias Assange? (Sawirro)

Booliska UK ayaa gacanta ku dhigay Aasaasaha shabadda xogaha dowladdaha ku caan baxday ee Wikileaks ninka lagu magacaabo Julian Assange oo muddo 7 sano ah ku jiray safaaradda dalka Ecuador ee magaalada London.

Julian Assange ayaa waxaa dhismaha safaaradda awood uga soo saaray Boolis fara badan, isagoo gacmaha laga xiray, waxaana muuqaalkiisu ahaa nin uu Garku ku baxay, balse caafimaad qaba, waxaana lagu qaaday gaari ay boolisku leeyihiin, isagoo ay maxkamadeyn u bilaaban doonto.

Arrintan ayaa timid kadib markii dowladda Ecuador oo megangalyo siisay ay kala laabtay megangalyadii muddo 7 sano ah socotay, waxaana labada dal ay ku heshiiyeen in Julian Assange loo gacan geliyo Booliska UK.

Madaxweynaha Ecuador Lenin Moreno ayaa sheegay in dalkiisa uu megangalyadii kala laabntay M. Assange kadib markii si joogto ah u jebiyey heshiisyada caalamiga ah ee diblomaasiyadeed, wuxuuna intaas ku datay in dowladda UK ay bixisay balanqaad ah inaan loo dhoofin doonin dal kale.

Julian Assange oo 47 sano jir ah ayaa muddo 7 sano ah ku jiray safaaradda Ecuador, waxaan doondoonayay dalalka Sweden iyo Mareykanka, inkastoo Sweden ay ka laabatay dacwad ay ku soo oogtay, laakiin Mareykanka oo uu sirar badan ka faafiyey ayaa raadinaya.

DAAWO SAWIRRO

Julian Assange (pictured bottom left) as he is arrested by police after being ejected from the Ecuadorian Embassy in London
Julian Assange pictured as he is led out of the Ecuadorian Embassy in London in handcuffs following his sensational arrest by British police today
The Wikileaks founder was dragged out of the Ecuadorian Embassy in handcuffs by a large group of Metropolian Police officers as stunned supporters and protesters watched on in central London

Moments after the arrest, WikiLeaks said Ecuador had acted illegally in terminating Assange's political asylum 'in violation of international law'

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON