Friday, June 27, 2025

Sidee Ciidamada Amniga uga hortageen Gaarigii ku qarxay Muqdisho? (Maxaa qabsaday Darawalka?]

Gaari uu waday qof is-miidaamiye ah oo ah nooca Toyota Prada ee hore ayaa saaka ku qarxay wado aan la marin oo xiran agagaarka isgoyska Digfeer ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho.

Darawalka Gaariga oo u muuqday qof aan kala garaneynin wadooyinka Muqdisho ayaa galay jid xiran, taasoo keentay in laga shakiyo, kadibna waxaa kusoo baxay ciidamada amniga oo ku amray inuu dib u noqdo, kana dego gaariga, laakiin ma jirin wax jawaab ah oo qofkii waday kasoo baxay, waxaana lagu riday rasaas dhowr ah.

Gaariga oo aan gudihiisa waxba laga arkeynin ayaa goobta yaallay muddo saacad ku dhow, waxaana laga fogeeyay dadkii u dhowaa goobta uu yaallay gaariga oo markii dambe qarxay, iyadoo qasaaraha qaraxaasi uu ku koobnaa qofkii ama dadkii gaariga ku jiray oo ku dhintay iyo dhaawaca ilaa 15 qof.

Ciidamada Amniga ayey si fudud ugu suuragashay inay gaarigaasi ka hortagaan qasaarihiisuna ku koobnaado qofkii waday, iyadoo ay ugu wacan tahay darawalka oo xaalad aan caadi ahayn ama isku dayey halis ah ay qabsatay ama aan aqoon u lahayn marista wadooyinka Muqdisho iyo meelaha xiran.

Image may contain: outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON