Sunday, July 13, 2025

Sidee Dekadda Muqdisho ku shaqeyn kartaa 24-ka Saac..? [Kulan Xasaasi ah oo ka dhacay Muqdisho]

Kulan looga hadlayo qaabkii Dekadda Muqdisho looga dhigi lahaa inay shaqeyso 24-ka Saac sida u amar ku bixiyey Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa guddoomiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxaana ka qeyb galay wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekadaha, Maareeyaha Dekadda Muqdisho iyo mas’uuliyiin kale.

“Waxaan ka qeyb galay shir muhiim ah oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka looga hadlay  qaabkii ay Dakadda Magaalada Muqdisho 24 Saac u shaqeyn laheyd si dhaqaalaha Dalka uu kordho iyo in aan Ganacsatadeena si wanaagsan ugu adeegno” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo ka hadlayey shirka.

Caqabadaha hortaagan in la kordhiyo shaqada Dekadda ayaa waxaa ka mida arrimaha amniga, maamulka dekadda oo shirkadda Albeyrak ay wada maamusho iyo Ganacsatada adeegsata.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON