Tuesday, June 24, 2025

Sidee Dhuusamareeb loogu boobay Kursigii HOP054 ee uu kusoo baxay La-taliyaha Farmaajo..?

Waxaa soo baxay sida ay u dhacday doorashada uu kusoo baxay C/shakuur Cali Mire oo ka mida la-taliyeyaasha Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo la sheegay in la boobay kursigii.

C/xafiid Sacdi Jaamac oo ka muida musharixiinta, kana baaqsaday doorashada ayaa caddeeyay in kursigii HOP054 in lagu boobay magaalada Dhuusamareb, isla markaana la adeegsaday ergo sharci darro ah oo lasoo ururiyey, iyagoo ay joogaan odayaashii iyo ergadii afarta beelood ee kursiga lahaa.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Dhuusmareeb Musharaxan iyo odayaasha Beesha Kursiga ayuu ku sheegay in ergada gaareysa 60 oo aan ahayn kuwii lahaa kursiga lagu ururiyey hoolka Doorashada, sidaasina lagu boobay Kursiga.

“Waxaan uga haray kursiga, iyadoo shirqool meesha laga sameeyay, ma tegin, kamana qeyb gelin doorashada, waxaa la xareystay dad diyaarad lagu keenay iyo kuwo Magaalada Dhuusamareeb laga ururiyey..” ayuu sheegay C/xafiid Sacdi in qofkii sidaas lagu doonto xiaa madaxweyne aanu sharci ahayn.

“Waxaan caddeynayaa in Doorashadii la boobay, musharixiinta beesha Mareexaan ee kuraasta kale waxaan leeyahay; Meeshaan ha isku imaanina, haddii aanan Guri la idinkugu heynin ergo afduuban oo kursiga la idiin boobeynin” ayuu yiri Musharaxa oo sheegay inay talo isugu noqonayaan, kuna shirayaan magaalada Caabudwaaq.

Wuxuu ugu baaqay odayaasha dhaqanka iyo Ugaaska Beesha Mareexaan inay arrintan ka hadlaan oo go’aan ka gaaraan maamulka Galmudug ee sidaasi u duudsiiyey xaqoodii, dhammaan beelaha kalena ay ku dulman yihiin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON