Sunday, June 22, 2025

Sidee Dowladda Farmaajo Horjooge Roobow ugu bedeshay Hoggaamiye Shacbiyad leh..?! [FAAQIDAAD]

Intii uu xilka madaxweyne u tartamayey Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu soo jeediyey in wadahadal lala furo Alshabaab, markii uu talada la wareegayna wuxuu cafis u fidiyey madaxda iyo maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Alshabaab Mukhtaar Roobow Cali wuxuu ahaa mas’uulkii ugu sareeyay ee dowladda Farmaajo isu soo dhiibay, waxaana Muqdisho laga soo dejiyey 13 Ogost 2017, iyadoo ay arrintaasi ka shaqeeyeen wasiiro ka mida xukuumadda oo ka soo jeeda K/Galbeed, gaar ahaan wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed. [Akhri Warka]

Dowladda Somalia ayaa saxaafadda hor keentay Sheekh Mukhtaar Roobow, isagoo war-saxaafadeed uu akhriyey ku sheegay in ku dhowaad 5 sano ka hor ka baxay Alsahbaab, wuxuuna ku baaqay nabad, wuxuuna caddeeyya in dowladda Soomaaliya ay u socdaan wadahadal. [Akhriso Qoraalka] ama  [Ka dhageyso halkan].

Ad

Wixii intaas ka dambeeyay waxay dowladda Soomnaaliya laba maalmood kadib soo saartay War ku saabsan Muhtaar Roobow [Ka akhriso halkan], iyadoo soo dhoweysay Sheekha oo ka faa’idieysay cafiskii Madaxweyne Faraamo.

Wixii markaas ka danbeeyay ma jirin wax dheeraad ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, marna shacabka lama wadaagin xaaladda wadaadka Sheekh Roobow, taasi bedelkeedna waxaa la arkay in Mukhtaar Roobow oo gacanta ugu jiray NISA in loo fasaxay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed, iyadoo weliba loo fududeeyay oo xubno madax ah ay ku wehliyaan.

- Advertisement -

Dowladdu waxay u ogolaatay inuu si caadi ah u u tago magaalooyinka Baydhaba iyo Kismaayo, waxayna siisay baasaboor Diblomaasi ah, isagoo  safarro ku tegay Kenya iyo Sacuudiga, waxayna dadku u arkeen inuu yahay nin ay dowladu wadato.

Waxaa yaab lahayd in muddo sanad ah uu Horjooge Roobow ku hoos jiray gacanta dowladda Soomaaliya, iyadoo aan wax xal ah laga gaarin maleeshiyadiisii hubeysneyd, xaaladiisa siyaasadeed iyo waxa laga damacsan yahay.

Dowladda Soomaaliya dheg uma dhigin baaqii Hay’adda xuquuqda aadana Amnesty International ee ahaa in baaritaan lagu sameeyo denbiyadii uu horjooge Roobow ka galay dadka Soomaaliyeed iyo kaalintiisii weerarrada Alshabaab ku laayeen dad badan oo aan waxba galabsan, waxayna taasi bedelkeed kharashkii dolwadda ku maalgelisay safarradiisa gobollada iyo dibadda. [Baaqa Amnesty International]

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ugu danbeyn waxay Roobow u suuragelisay inuu ka mid noqdo ololaha doorashada la filayay inay ka dhacdo maamulka K/Galbeed oo uu kasoo jeedo, wuxuuna Muqdisho kula kulmay madaxda dowladda isagoo ka mid ahaa xubno doonayey inay isu sharxaan doorashadaasi.

Dowladda Somalia waxay Mukhtaar Roobow u suuragelisay inuu tago magaalada Baydhaba isagoo u socda shaacinta musharaxnimadiisa, waxaana Muqdisho ka ambabixiyey Agaasimaha NISA, oo isna markii danbe ku biiray, kana mid noqday musharixiinta xilka madaxweynaha K/Galbeed.

Dowladii intaas oo tas-hiilaad ah u sameysay Horjooge Mukhtaar Roobow, markii uu noqday musharax madaxweyne, kuna dhawaaqay inuu ka qeyb galayo doorashada  ayaa mar kaliya is-bedeshay waxaan saq dhexe wasaaradda Amniga Soomaaliya soo saartay Qoraal ay ku sheegtay inuusan tartami karin Mukhtaar Roobow..!! [Arag warkan]

Wixii markaas ka dambeeyay waxay dowladu ku jirtay dagaal kula jirtay mushkilad ay iyadu abuurtay.., waxayna arrintii sii xumaatay markii uu is-casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan, taasoo Roobow  ka dhigtay inuu helo taageerada siyaasiyiinta K/Galbeed ee ku kacsan dowladda Framaajo iyo shacab fara badan.

Shariif Xasan kadib, wuxuu Roobow isu bedelay musharaxa koowaad iyo ninka looga cabsi qabo inuu ku guuleysto doorashada K/Galbeed, waxayna jawaabta dowladu noqotay inay weyso xal aan ahayn adeegsida ciidamada Itoobya si loo xiro Wadaadka, kadib markii uu halis ku noqday qorshaheeda ah inuu K/Galbeed madaxweyne ka noqdo musharaxii ay wadatay Villa Somalia.

Xariga Roobow, Itoobiyaanka loo adeegsaday, dhiigga ku daatay iyo qalalaasaha ka dhashay waa natiijada ka dhalatay siyaasadda jaha-wareersan ee Villa Somalia iyo kooxda Farmaajo dalka ku maamulayeen ku dhowaad 2 sano, waxayna horjooge dembiile ah ka dhigeen hoggaamiye shacbiyad leh..!.

Ma aha kiiskii ugu horeeyay ee dowladda Farmaajo caddowgeeda ku abuurato ama shacbiyadeeda hoos ugu dhigto oo dhaawac weyn kasoo gaaro falal aan laga fiirsan oo u ugu horeeyay kiisii Qalbi-dhagax, laakiin waxay su’aashu tahay goormee abuuran doontaa kiis kale..?

FAAQIDAAD- GOOBJOOGE.NET

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON