Monday, June 23, 2025

Sidee Iiraan uga aargudan doontaa Mareykanka? (Akhriso Afar tallaabo oo ay qaadi karto & Wararkii ugu danbeeyay)

Wararka dunida waxaa hareeyay xiisada ka dhalatay tallaabadii uu Mareykanka qaaday ee uu magaalada Baqdaad ku dilay Jeneraalkii hoggaaminayey Ciidamada Qudus ee dalka Iiraan Gen. Qasim Suleymani, iyadoo la filayo jawaab ay ka bixiso dowladda Iiraan.

Waxaa weli socda munaasabadaha loo sameynayo madaxdii lagu dilay weerarka Mareykanka, waxaana magaalooyinka Baqdaad, Najaf iyo Karbala isugu soo baxay kumanaan qof oo ka qeyb galay janaasadda, waaan Jeneraal Suleymani loo duulin doonaa dalka Iiraan, halkaasoo mar kale maamuus loogu sameyn doono.

Golaha Amniga Qaran ee Iiraan ayaa go’aansaday shalay jawaab xanuun badan Iiraan ka bixin doonto dilka Gen. Suleymani, waxaana soo baxay warar kala duwan oo ay jeediyeen madaxda iyo saraakiisha Iiraan oo Mareykanka ugu goodiyey inuu la kulmi doono jawaab aanu fileyn. Taliyaha cusub ee ciidamada Qudus Ismail Qa’ani ayaa sheegay in wax yar loo samro, kadibna la arki doono meydadka askarta Mareyanka oo Bariga dhexe meel kasta daadsan.

Go’aanka madaxda Iiraan ku qaateen inay jawaab culus ka bixiyaan dilka Mareykanka u geystay Jeneraal Suleymani oo ahaa ninka labaad oo ugu awoodda badan dalka Iiraan ayaa la saadaalinayaa waxa ay noqon doonto iyo halka ay ka dhici doonto, waxaana laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato dalalka ay joogaan maleeshiyooyinka taageersan Iran, sida Ciraq, Syria, Lubnaan, Yeman iyo meel kale.

Iiraan waxay qaadi kartaa 4 tallaabo midkood

1- Inay weerarto saldhiyada ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Bariga Dhexe oo ka badan 30 saldhig, taasoo keeni doonta dagaal furan oo weyn.


إيران تقول إنها تمتلك صواريخ دقيقة التوجيه وصواريخ كروز وطائرات مسيرة مسلحة قادرة على ضرب القواعد العسكرية الأميركية في الخليج (أسوشيتد برس)

2- Inay Xirto gacanka Hormuz oo muhiim u ah dunida. Gacanka waxaa mara 5 meelood 1 shidaalka dunida, inkastoo aysan sharci ahaan xiri karin Iran oo ay la wadaagto Cumaan, haddana wuxuu adeegsan karaa ciidamadiisa Badda, waxayna saameyn weyn ku yeelan doontaa caalamka oo dhan.


السفن المحملة بالنفط تمر عبر المياه الإيرانية التي تقع تحت مسؤولية بحرية الحرس الثوري (رويترز)

3- Inay adeegsato kooxaha taageersan ama jawaab kooban. Iiraan waxaa taageersan oo amarkeeda ku shaqeeya kooxo waaweyn sida Xisbullaahi-ga Lubnaan iyo Ciraaq, Xuuthiyiinta Yeman, Kooxaha Ahlul Xaq ee Syria iyo Kacdoonka Shacabka reer Ciraaq. Kooxahan waxay fulin karaan weerarro waaweyn oo Mareykanka lau waxyeelo.


إيران نقلت طائراتها المسيرة وخبرتها الفنية إلى الوكلاء واستخدمها الحوثيون ضد السعودية (الجزيرة)

4- Waxay kaloo Iran adeegsan kartaa dagaal diblomaasiyadeed oo ah inay Mareykanka gorgortan dad badan la gasho iyadoo loo marayo dalal dhowr ah oo waanwaan ka dhex wada.

Qodobka ugu horeeya iyo kan ugu danbeeya ayey u badan tahay inaysan Iiran dooran, taasoo ay ugu wacan tahay inay halistooda leeyihiin, iyadoo dagaal weyn oo ka dhaca Bariga Dhexe aysan dooneynin labada dal ee Mareyanka iyo Iran; isla amrkaana aysan suuragal ahayn inay Iiraan ka aamusto arrintan.

Farriin Mareykanka ka timid oo lasoo mariyey safiirka dalka Switzerland u fadhiya magaalada Tehran ayaa gaartay madaxda Iiraan, waxaana uu sheegay taliye ku xigeenka ciidamada Iiraan in Mareykanka uu kadalbaday in jawaabka Iiran ay noqoto mid ku kooban aargudashada dilka Jen. Qaasim Suleymani.

Waxaa bilowday dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in xiisadda lagu qaboojiyo, iyadoo maanta uu gaaray magaalada Tehraan wasiirka arrimaha dibada Iiran Sheekh Maxamed C/raxmaan oo la kulmay dhiggiisa dalka Iiraan.

Waxaa kaloo xiriiro dhinaca telefoonka ah yeeshay madaxda dalka Iiraan iyo kuwa caalamka oo dhamaantooda looga hadlay xaaladda ka taagan dalalka Iiraan iyo Mareykanka. iyadoo dhinaca kale laga war sugayo tallaabada ay qaadi doonto Iiraan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON