Monday, June 23, 2025

Sidee kooxda Farmaajo iyo Midowga Musharixiinta ugu midoobeen taageerada Sacdiya Yaasiin?

Waxaa lagu dhawaaqay natiijada wareegii labaad ee xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo tartan adag loo galay.

Tatanka oo ay isugu soo hareen musharixiinta kala ah: Xildhibaan Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar iyo Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caananuug), waxayna natiijadii noqotay inay kusoo baxdo haweeneydii ugu horeysay ee xilkani Soomaaliya ka qabata.

Xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka waxaa ku guuleysatay Sacdiya Yaasiin Xaaji oo heshay 137 cod, halka Xildhibaan Maxamed Cali Caananuug uu ka helay 107 Cod.

Ad

Arrinta yaabka leh ee Guusha Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ka dhacday ayaa ahayd inay taageerada Sacdiya Xaaji Yaasiin ku midoobeen dhinacyada mucaaradka ee ay kala hoggaamiyaan Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Xasan Kheyre iyo kooxda taagersan Farmaajo.

Xildhibaannada Taageersan Farmaajo ayaa taageeray oo codkooda siiyey Xildhibaan Sacdiya, iyagoo kula dagaalamaya Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay ka mid tahay siyaasiyiinta ka horjeeda ee ku kacsan, balse kursiga kasoo helay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON