Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in heshiis hordhac ah laga gaaray xiisadii ka dhalatay gadoodkii ciidamada qaarkood iyo diidmadii ka dhalatay tegista Madaxweynaha Hirshabelle ee magaaladaasi.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo kaashaday Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo Odayaasha dhaqanka ayaa xal ka gaaray xaaaladii ka dhalatay safarkii uu Beledweyne ku tagi lahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.
Qodobadda lagu heshiiyey waxaa ka mida in ciidamada gadoosan ee qabsaday xarumaha maamulka ay ka baxeen goobahaasi, dibna ugu laabtaan xarumahoodii ciidamada, iyaduna aan wax denbi ah loo raacan.
Waxaa kaloo la isla gartay khilaafka ka taagan arrinta Hirshabeelle wadagadal lagu dhammeeyo, ayna saameyn ku yeelan Doorashada, iyadoo qabanayo Sshirweyne xal looga gaarayoo tabashada maamulka Hirshabeelle ee Beesha Hiiraan.
Wadahadalka iyo xalinta arrimihii ka taagnaa magaalada Beledweyne waxaa xalintooda iska kaashaday Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Yuusuf Axmed Dabageed, Wasiirka Arimaha Gudaha Federalka Jeneral Muqtaar Xuseen Afrax iyo Ugaas Yuusuf, iyadoo ciidamada gadooday loo ballanqaaday in xuquuq ay dalabadeen ay ka helaan Dowladda Federaalka.
Lama soo hadal qaadin arrinta tegista Madaxweynaha Hirshabeelle ee magaalada Beledweyne, waxaana wadahadal u socon doonaa siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka Beesha ee khilaafku ka dhaxeeyay.

