Saturday, July 12, 2025

Sidee loo magacaabay Xogahayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim.? [Caddeymo]

Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa qaabkii loo magacaabay xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim.

Yaxye oo shalay shaqo joojin uu ku sameeyay wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa muran weyn dhaliyay iyadoo ay tallaabadaasi ka hor yimaadeen wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda.

Magacaabidii Yaxye oo dhacday 15 Ogost 2015 waxaa wareegto ku soo saaray Ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid. Waxaase xusid mudan in xilkaasi uu hore u hayay nin lagu magacaabo Dr. Ismaaciil Jimcaale Calasow oo shan berri kadib magacaabiddan loo wareejiyay Wasaaradda Cadaaladda [HALKAN KA AKHRI]

Ra’iisal wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka caga-jiiday inuu isbedel ku sameeyo agaasimeyaasha iyo xoghayeesha Wasaaradaha dowladda, taasoo keentay in wasiirada ay ku dhiiradaan shaqo ka joojin iyo magacaabid kala duwan, inkastoo aanay hore khilaaf weyn uga imaan.

HOOS KA AKHRI WARKII GOOBJOOGE KA QORAY MAGACAABIDDA XOGHAYAHA

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa wareegto ku magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo loo magacaabay shaqi caan ah oo guddoomiye ka ahaa mid ka mida Jaamacadaha Muqdisho ku yaala.

Xilkan ayaa loo magacaabay Porf. Yaxye Cali Ibraahin oo ah aa guddoomiyihii  Jaamacada  Somali International University (SIU),  waxayna magacaabidiisu ka dambeysay  markii uu soo jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odowaa.

Prof. Yaxye Cali Ibraahin ayaa  ah nin galaangal weyn ku leh dowladda Soomaaliya dhexdeeda isagoo la-taliye u ahaa dhowr wasaaradood, isla markaana madax ka ahaa guddigii soo xulista xubnaha guddiyada Qaranka ee Dastuurka iyo Xuduudaha oo uu kala shaqeeyay wasaaradda arrimaha gudaha.

Wareegtada magacaabista Prof. Yaxye Cali Ibraahin ayaa soo baxday 15-kii Ogost hoos ka akhriso

Digreeto-AGGM

Goobjooge.com

Ra’iisal wasaaraha oo xil cusub u magacaabay xoghayihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON