Saturday, July 5, 2025

Sidee Madaxweyne Farmaajo ku ogolaaday in Qodobkan lagu soo daro War-muriyeedkii IGAD..? (Akhriso)

Shir madaxeedkii aan caadiga ahay ee IGAD ugu soo dhammaaday dalka Jabuuti ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ku saabsan arrimihii hoggaamiyeyaasha dallaka IGAD isla garteen, iyadoo uu ku jiray qadob ku saabsan Doorashooyinka Soomaaliya.

War-Murtiyeedka oo aan agu soo hadal qaadin xiisadda diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ayaa dhinaca kale dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay khilaafka Doorashada kala taagan kala heshiiso Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasadda oo loola jeedo Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee ka horjeeda Madaxweyne Farmaajo.

Qodobkan 14-aad ee War-murtiyeedka IGAD ayaa u qornaa sida soo socota: “Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale in ay xalliyaan khilaafka ka dhashay maamulka doorashada si kalsooni iyo wadar-ogol ah, iyadoo la tixgelinaya Geedi-socodkii Dhuusmareeb iyo Heshiiskii Doorashada ee 17-kii September 2020, si loo qabto Doorasho xilligeeda ku dhacda”

“Saamileyda siyaasadda” ayuu si weyn u diidanaa madaxweyne Maxamed C/llaahi, waxaana si weyn u weerarray wasiirada iyo mas’uuliyiinta taageerta Madaxweyne Farmaajo oo uu gu danbeeyay Wasiirka Warfaafinta, laakiin inuu kusoo baxo War-murtiyeedka IGAD ayaa laga yaabaa inaysan iska fiirin wafdiga Madaxweynaha oo wasiirka arrimaha dibadda uu xilka ku cusub yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON