Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa socdaal rasmi ah uga bilowday dalka Burundi oo si diiran loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha magaalada Bujumbura.
Wafdiga madaxweyne Farmaajo waxaa garoonka uga hor yimid madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza, waxaana uu salaan sharaf ka qaatay ciidamada dalkaasi, isagoo loo galbiyey xarunta madaxtooyada.
Labada madaxweyna ayaa ka wadahadli doona xiriirka labada dal, ciidamada AMISOM iyo qorshaha ciidamada dalka Burundi lagu dhimayo oo uu wado Midowga Afrika, kaasoo uu ka horjeedo madaxweyne Nkurunziza.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA













