Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa faragelin ku sameeyay xaalad ka dhalatay fal shalay ka dhcaay xarunta Madaxtooyada oo ciidamada Madaxtooya ay kula wareegeen Gaari uu lahaa La-taliyihii Ra’iisal wasaaraha ninka lagu magacaabo Yaxye Cali Hareeri.
Falkan ayaa xiisad culus ka dhaliyey xarunta Madaxtooyada, waxayna Beesha uu kasoo jeedo Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre u qaateen in falkaasi uu hordhac u yahay arrin lala damacsan yahay Ra’iisal wasaaraha is-casilay, iyadoo lagu sigtay isku dhac iyo xiisad arrintaasi ka dhalata.
Odayaasha Beesha Murusade iyo saraakiisha Beesha ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq ay jawaab uga bixinayaan falkaasi, waxaana markaas kadib xaaladda soo farageliyey Madaxweyne Farmaajo oo xiriir la sameeyay xubno ka mida Beesha, isagoo raaligelin bixiyey, isla markaana amray in xilka laga qaado xoghayihii sida KMG ah loogu magacaabay xafiiska Ra’iisal wasaaraha C/risaaq Xuseen Aadan oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay wixii ka dhacay Madaxtooyada (Akhri Warkan).
Ra’iisal wasaaraha is casilay ee Xasan Cali Kheyre ayaa weli degan Gurigiisa gudaha Madaxtooyada, waxaana la filayaa in dhowaan uu halkaasi isaga guuro, waxaana halkaasi ku booqda siyaasiyiin, odayaal iyo saaxiibo kale.

Xaaladda ayaa la dejiyay markii dib loo soo celiyay Gaarigii Prof Yaxye Cali, xilkana laga qaaday ninkii lagu eedeeyay inuu falkaasi ka dambeeyay, waxayna arrimahan oo dhan saacado gudahood.