Dowladda Mareykanka ayaa ka hor timid dalabkii ay Midowga Musharixiinta Mucaaradka u direen Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee in la dhiso Gole hoggaamin oo xilka kala wareega Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Mareykanka ayaan si aan toos ahayn meesha uga saaray in la qaado hannaan cusub oo lagu gaaro Doorashada Soomaaliya oo aan ahayn dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, taasoo keeni karta inay Soomaalida dib u celiso.
Sii-hayaha Ergeyga Mareykanka u joogay Qaramada Midoobay Richard Mills ayaa khudbadiisa ku yiri: “Aan idin caddeeyo… Doorasho dhinac ah, Doorashooyin is barbar socda, ama qaab kale oo Hannaan Doorasho ah oo uu ku jiro xukun KMG ah oo waqti qaata waxa kaliya oo uu sii kordhin karaa xasilooni darrada, wuxuuna dib u dhac ku noqonayaa Soomaaliya”.
Mareykanka iyo Beesha Caalamka ayaa si cad u diidan in hannaan Doorasho oo ka duwan Heshiiskii 17-ka September la qaato ama isbedel madaxda dowladda uu yimaado; waxayna arrintan ka danbeysay markii Midowga Musharixiinta ay soo jeediyeen in la dhiso Gole hoggaamineed oo madaxweynaha xilka ka dhammaaday uu talada ku wareejiyo.
