Sunday, July 13, 2025

Sidee Maxamed Farmaajo loogu soo dhoweeyay Magaalada Addis Ababa? (Sawirro)

Waxaa Garoonka Addis Ababa uga hortegay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Itoobiya oo uu horkacayo Wasiirka Maaliyadda Axmed Shiddo

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C /llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saaka ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya si uu uga qeybgalo munaasabadda dowladda cusub ee Itoobiya iyo caleemo saarka Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Maxamaed Farmaajo waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Wasiiro ka tirsan dowladda Itoobiya oo uu horkacayey Wasiirka Maaliyadda Axmed Shiddo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Birtukan Ayano, Wasiirka Waxbarashada Getahun Mekuria, waxaana Farmaajo la socday xubno kooban.

Waxaa xafladda sidoo kale ka qeyb galaya Madax ka tirsan Afrika, waxaana ka mida madaxweynayaasha Nigera, Senagal, Jabuuti, Wasiirka Arrimaha Dibadda Algeria, Madaxda IGAD iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’isal wasaare Abiy Ahmed ayaa markii labaad la caleemo saaray Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiy Abiy Ahmed, waxaana sidoo kale la dhaariyay madaxda cusub ee dowladda Itoobiya.

May be an image of 3 people, people standing and suit
May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of 6 people, people standing and suit
May be an image of 2 people, people standing and suit
May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of 4 people, people sitting, people standing and outdoors

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON