Waxaa lasoo bandhigay baaritaankii ugu weynaa ee kumanaan Dokumentiyo si ahaa lagu helay, kaasoo bannaanka soo dhigay, sida madax hore iyo kuwa hadda dunida ka taliyaha lacago malaayiin Doolar ah si qarsoodi ah dunida u dhigteen, kuna iibsadeen shirkado iyo hanti kala duwan.
Waxaana dokumentiyada ‘Pandora Papers’ ee la shaaciyey lagu soo bandhigay in ka badan 35 madaxweyne oo hadda adduunka ka taliya, iyo mas’uuliyiin hore, kuwaasoo lala xiriiriyay in heshiis uu dhexmaray shirkado shisheeye.
Waxay dokumentiyada shaaca ka qaadeen in boqorka Urdun Boqor Cabdalla uu si qarsoodi ah ugu keydsaday dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska lacag dhan 70 Milyan oo lacagta Giniga dalkiisa ah.
Boqor Cabdalla waxa la kashifay inuu qaabka qarsoodiga ah ee uu hantida ugu keydsaday dalka UK, isgoo dhigtay lacag ka badan 100 milyan oo doolar. Waxaa la ogaaday shirkado shisheeye oo ku yaalla British Virgin Islands iyo meelo kale in loolla baxsado canshuurta, taasoo uu adeegsaday boqorka Cabdullaahi II bin Al-Xuseen, si uu iibsado 15 guri, tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 1989.
Waxaana kamid ah hantidaas guryo ku yaalla deegaanka Malibu ee gobolka California, dalka Mareykanka oo ay ku baxday 50 Malyan oo lacagta giniga ah iyo guryo kale uu ka iibsaday London iyo deegaanka Ascot ee dalka UK.
Dhinaca kale Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo lix qof oo kamid ah qoyskiisa ayaa la ogaaday inay si qarsoodi ah u hirgeliyeen shirkado shisheeye oo iyagu leeyihiin, kuwaasoo gaaraya 11 shirkadood, oo mid kamida shirkadahan ayaa lagu qiyaasay inay ku fadhido hanti gaareyso 30 milyan oo doolar.
Sidoo kale xubno ka tirsan qoyska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan iyo Golaha wasiirada ayaa la sheegay inay leeyihiin shirkado qarsoodi ah oo ku fadhiyo malaayiin Dollar.
Waxaa kaloo lasoo bandhigay shirkad dhinaca sharciga ah oo uu aasaasay madaxweynaha Qubrus, Nicos Anastasiades lagu helay lahaansho marin habaabin ah, oo la xiriirta shirkado laga hirgeliyay dibadda.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa la ogaaday in hantidiisa uu si qarsoodi ah ugu wareejiyay shirkad shisheeye, ka hor inta uusan ku guuleysan doorashadii 2019.
Madaxweynaha Ecuador, Guillermo Lasso, oo ahaan jiray maamule hore oo dhanka Bankiyada ah, ayaa isna diiwaan gashaday hay’dad fadhigeedu yahay Panama, taasoo loo mariyo lacagaha la siinayo xubno ka tirsan qoyskiisa, iyadoo dadka maamulaya howlahaas ay joogaan Mareykanka ee gobolka Koonfurta Dakota.
Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev iyo qoyskiisa ayaa lagu sheegay inay hanti badan ka qaateen dalkooda. Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in madaxweynaha Azerbaijan iyogacan-yareyaashiisa ay si qarsoodi ah ugu lug lahaayeen heshiisyo ganacsi oo laga fuliyay UK, kaasoo ay ku baxday 400 Milyan oo lacagta Giniga Istarliinka ah.

