Xafladii furitaanka kalfadhiga shanaad ee Aqalka Sare ayaa maanta dib u dhac ku yimid kadib markii muddo saacad ka badan la isku qabtay cidda xaq u leh inay furto fadhiga.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dastuuriyan ay tahay inuu furo kalfadhiyada labada aqal ee Baarlamaanka ayaan tegin xafladda Aqalka Sare oo lag sugayey, waxaana halkaasi tegay Ra’iisal wasaare Kheyre oo guddoonka Aqalka Sare u sheegay inuu wakiil ka yahay Madaxweynaha, isaguna uu furi doono kalfadhiga Aqalka Sare.
Arrintaas ayaa keenay inay ka hor yimaadaan senatorada Aqalka sare iyo Guddoonka oo sheegay inay sharci darro tahay madaxa fulinta xukuumadda inuu furo kalfadhi Baarlamaan, isla markaana uu furi doono Guddoomiyaha Aqalka sare haddii uu maqnaado madaxweynaha.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku adkeystay inuu furayo kalfadhiga, isagoo heysta wakiinimo buuxda ama uu ka tegayo xafladda, waxaana muranku gaaray heer culus oo lagu sigtay in lagu kala tago, iyadoo saacaduna ay dhaaftay 12:00 Duhurnimo, waxaana markaas kadib tanaasulay guddoomiyaha Aqalka Sare oo codsaday in arrintaasi laga gudbo, haba ahaato sharci darro, iyadoo loo ogolaaday Ra’iisal wasare Kheyre inuu khudbad furitaan ah jeediyo.
Qaar ka mida senatoorada Aqalka Sare oo aad uga carooday falka Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku tilmaamay inuu mas’uul ka yahay waxa dhacay Madaxweyne Farmaajo oo xilkiisii gabay.
Madaxweynaha ayaa ku guuleysan waayey inuu xaliyo khilaafka labada aqal ee baarlamaanka oo uu ka sheegay caleemo saarkii madaxweynaha Puntland inuu xal ka gaari doono, taasoo keenay in labada aqal siyaabo kala duwan u kala furtaan kalfadhiyadooda.