Thursday, June 26, 2025

Sidee socdaalkii Madaxweyne Farmaajo ee Gobolka Sh/Hoose loogu soo koobay Afgooye..? [Akhriso]

Socdaalkii madaxweynaha Soomaaliya ee la qorsheeyay inuu ku tago degaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa lagu koobay degmada Afgooye.

Qorshaha socdaalka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ahaa inuu tago aaggaga ciidamada milateriga joogaan degaanada No. 50 iyo Bariire, lakiin waxaa ka kansalay kadib markii wafdigu tegay Afgooye.

Xaalladda ammaanka ayaa la sheegay inaysan saamixin safarkaasi uu ku talogalay madaxweynaha iyadoo AMISOM iyo Sirdoonka Soomaaliya ay kula taliyeen inuusan tegin degaanadaasi oo dhowaan iska hor imaadyo ay ka dhaceen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan kula yeeshan magaalada Afgooye waxgaradka iyo odayaasha, wuxuuna kulankaasi kadib sheegay in dadka Afgooye ay yihiin dad ku caan baxay nabad iyo wax soo saar oo ay mudan yihiin nolol ka fiican tan ay maanta ku jiraan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON