Waxaa la xaqiijiyey in madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu ka qeyb galayo caleemo saarka dib u dhaca ku yimid ee Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaarie (Qoorqoor).
Xaaf ayaa si weyn uga hor yimid doorashada ay dowlada federaalka ka abaabushay Dhuusamareeb iyo musharaxa ay wadatay ee kusoo baxay doorashadaasi, wuxuuna Gaalkacyo ku dhisay Baarlamaan iyo maamul cusub, laakiin waxaa wadahadal hoose u socday isaga madaxda dowladda Federaalka oo markii danbe keenay heshiis.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Xaaf uu aqbalay heshiis uu la galay madaxda dowladda Soomaaliya oo hore uga baxay inay fuliyaan qaar ka mida heshiis hore ee keenay inuu xilkiisa u wakiisho Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo markan uu shuruud adag ku xiray, wuxuuna heshiiska cusub ku helayaa kharash hore uga maqnaa dowladda iyo mid kale oo loo balanqaaday.
Waxaa si rasmi ah heshiiska Xaaf ku aqbalay inuu aqoonsado Madaxweyne Qoorqoor shaaciyey madaxweyne ku xigeenka cusub ee Galmudug Cali Daahir Ciid, kaasoo sheegay horaantii bishan Maarso in la dhammeeyay khilaafkii kala dhaxeeyay Xaaf, isla markaana arrimo yaryar oo dhiman la dhammeystirayo.
Kulanka magaalada Gaalkacyo ku dhex maray Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo guddoomiyaha Guddiga Caleemo saarka Qoorqoor Mudane Yuusuf Garaad ma ahayn mid ku saabsan waanwaan lala gelayo Xaaf, balse wuxuu ahaa xaqiijinta heshiiska hore u dhacay.