Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee sii haya xilka Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo wax looga bedelayo qaabkii shaqada ciidamada Booliska.
Isagoo warbaahinta kula hadlayay Xaunta Ciidanka Booliska ee General Kaahiye ayuu sheegay in sugida amaanka magaalada Muqdisho wax badan laga bedalayo, isla markaana Boolisku la imaan doono qorshe cusub.
General Mukhtaar ayaa caddeeyay in Ciidanka Boolisku la imaanayaan qorshayaal cusub si kor loogu qaado ammaaanka Magaaladda caasimadda ah, isla markaana shacabka looga baahan yahay inay inay gacan ku siiyaan cidiamada Booliska.

Howlgallo lagu sugayo ammaanka, roondooyin iyo tallaabooyin dadweynaha lagu kaashaanayo ayaa u qorsheysan booliska inay fuliyaan sida uu sheegay sii-haya taliyaha ciidamada Booliska.
Wuxuu Jeneraalka intaas ku daray inay sameyn doonaan sanaadiiq ay dadka ku ridayaan fikradahooda iyo hormarinta amniga caasimadda. Jen. Mukhtaar ayaa dhowaan la wareegay hoggaanka ciidamada Booliska, iyadoo aan la magacaabin taliye cusub.