Saturday, June 28, 2025

Sii-haye loo magacaabay Safaaradda Somalia ee Uganda oo Xilka la wareegay. [Sawirro]

Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ) oo dhawaan dowladda Soomaaliya magacowday ayaa xilka kala wareegay sii-hayahii hore ee Safaaradda Cabdiwali Cali Faarax.

Mudanaasabad kooban oo ka dhacday xarunta safaaradda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Diblumaasiyiinta, Uqeybsanayaasha ka howlgala safaaradda iyo marti sharaf kale oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mudane Cabdiwali Cali Faarax siihayahii hore ee Safaaradda ayaa munaasabadda kasoo jeediyay warbixin kooban oo kaga hadlay sida safaaradda u shaqeyso iyo qalabka safaaradda leedahay, isagoo u mahadceliyay howlawadeenadii safaaradda sidii wanaagsaneed ay ula soo shaqeeyey intii uu xilka haayay.

Siihayaha Cusub Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur)  ayaa isagana u mahadceliyay siihayahii hore ee Safaaradda iyo sida wadaniyadda leh uu uga soo shaqeeyay safaaradda iyo sida sharafta lahayd uu i ilaaliyay hantida qaranka.

Mudane Cali Cagabaruur ayaa hadalkiisa ku sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa xariirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda, kana shaqeyn doono xoojinta dhinacyada siyaasadda, waxbarashada, ganacsiga iyo fududeenta isu socodka labada dal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON