Sunday, July 13, 2025

Siyaasi soo jeediyey Qorshe yaab leh: Muddo kordhin Baarlamaan iyo Doorasho Madaxweyne cusub (Akhriso)

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa soo jeediyey qorshe muddo kordhin loogu sameynayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaanayo Bisha Disembar 2020.

Wuxuu soo jeediyey si xaaladda taagan loo dejiyo in muddo sanad ah loogu daro Baarlamaanka hadda jira, kadibna uu Baarlamaanka hadda jira soo doorto Madaxweynaha cusub, sanad kadibna oo ku beegan Disembar 2021 lasoo doorto xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad.

“Si buuqa siyaasadda iyo jahawareerka ka jira dalka loo qaboojiyo waxaa ila haboon in la kala qaado doorashada madaxweynaha iyo doorashada xildhibaannada. Baarlamaanka hadda jooga ha loo sameeyo muddo kordhin hal sano ah. Ha doorteen madaxweyne, sannad kaddibna ayadoo aan la isku heysan kursi madaxweyne ha la soo doorto xildhibaannada.” ayuu yiri Cali C/llaahi Cosoble oo ujeedkiisu yahay in la kala qaado doorashada Madaxweynaha iyo tan Baarlamaanka.

Suuragelnimada qorshahan ayaa shaki weyn ku jiraa, iyadoo sharci ahaan dood weyn keeni karto qaabka waqtiga loogu kordhinayo Baarlamaan waqtigiisu dhammaaday iyo awoodda uu Baarlamaankaasi ku dooran karo Madaxweyne, iyadoo la ogyahay in Baarlamaanka 10-aad lagu tilmaamay midkii ugu liitay ee dalka soo mara.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON