Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo Wasiirkii Amniga Dowladii Xsan Sheekh ayaa ku dhawaaqay Xisbi siyaasadeed uu guddoomiye ka yahay.
Xisbigan ayaa lagu magcaabaa XISBIGA SAHAN (SAHAN PARTY), waxaana war-saxaadadeedkiisii ug horeeyay lagu sheegay inuu gudoomiye ku meelgaar ah ka yahay C/kariim Xuseen Guuled oo hore looga soo xigtay inuu isu sharxayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Xisbiga SAHAN ayaa la sheegay inuu u furan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ahmiyad gaarna uu siinayo dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana la qaban doonaa shirweynahiisa.
C/kariin Guuleed oo ka mid ahaa saaxiibada waaweyn ee Madaxweynihii hore ayaa la sheegay inuu ka furtay Xasan Sheekh, kadib khilaaf siyaasadeed oo soo dhex galay doorashadii 2017.
