Siyaasiyiin caan ah iyo Qaar ka mida madaxdii hore ee dalka ayaa ka hor yimid Qorshaha socda ee muddo kordhinta Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaashi hore ee Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid iyo C/weli Maxamed Cali Gaas, Guddoomiyihii hore Baarlmaanka Shariif Xasan Sheekh iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, ayey uga digeen muddo kororsiga ay wadaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka.
Waxay xubnahan qoraalkooda ku caddeeyeen inaysan jirin baahi taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka oo keeneysamuddo kordhin, iyagoo ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh uu arrintan ka hortago, kana badbaadiyo dalka, maadaama uu yahay ilaaliyaha iyo Horumariyaha Mabaadiida aas aasiga ah ee Dastuurka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA

