Sunday, March 26, 2023

Madaxtooyada Soomaaliya oo faafisay kulan dhex maray Xasan Sheekh iyo Farmaajo

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay kulan magaalada Doha ee dalka Qatar ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii Hore ee dalka, dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Madaxtooyda Soomaaliya.

Waa kulankii ugu horeeyay ee dhex mara labad mas’uul tan iyo markii uu Farmaajo xilka wareejiyay bishii Bay 2022, isagoo markaas kadib u guuray dalka Qatar oo uu degan yahay.

Ad

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!