Boqolaal Soomaali ah oo isugu jira siyaasiyiin, saxafiyiin, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa taageero u muujiyey weriye Haarun Macruuf oo ka tirsan shaqaalaha Laanta Afsoomaaliga ee VOA-da, kadib markii ay Hay’adda NISA ku eedeysan inuu halis ku yahay Amniga Qaranka.
Qoraal kooban oo xalay ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in Haaruun Macruuf uu leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, isla markaana uu ku kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta, balse NISA sooma bandhigin wax caddeyn ah, iyadoo markii uu warkaasi soo baxay kadib ay ka fal celiyeen dad aad u fara badan.
Weriye Harun Macruf oo ka mida weriyeyaasha ugu caansan Soomaalida ayaan wax jawaab ah ka bixin eedeynta culus ee uga timid Hay’adda NISA, laakiin wuxuu bartiisa Twitter-ka oo dad badan ku xiran yihiin kusii faafiyey boqoalaal fal celin oo ay ku taageerayaan dad kala duwan.
Dad yar oo ka mida boqolaalka qof ee ka hadlay qoraalka ay NISA kasoo saartay Weriye Haaruun Macruuf ayaa dhexdhexaad ka noqday ama ku baaqay inay NISA la timaado caddeyn ku saabsan eedeynteeda, halka inta badan ay si weyn u dhaliileen NISA iyo agaasimaheeda Fahad Yaasiin, iyadoo qaarkood ay aflagaado kula kaceen.
Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed oo ka mida dadka sida weyn u difaacay Weriye Harun Macruf ayaa hore ugu eedeeyay inuu afhayeen u yahay Alshabab, markii uu Harun tebiyey War ay Alshabab kasoo saaray qarax ka dhacay Dekadda Muqdisho bishii Disembar 2016, waxaana dagaal ku dhex maray barta Twitter-ka, kaasoo ahaa arrinta kaliya ee bannaanka u soo baxday ee dhex maray Weriye Harun iyo madaxda Dowladda Soomaaliya.
QAAR KA MIDA QORAAALLADA FAL-CELINTA