Monday, July 14, 2025

Siyaasiyiinta Beesha H/Gidir oo Madaxtooyada u tegay taageerada Rooble (Ballanqaad loo sameeyay)

Siyaasiyiin kaasoo jeeda Beesha H/Gidir ayaa taageero ahaan ugu tegay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku sguan xarunta Madaxtooyada, maantana sheegay inuu ka badbaaday afgembi uu abaabulay Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Syaasiyiinta oo kulan la yeeshay Rooble waxaa ka mida haa C/kariin Guuleed, C/raxmaan C/shakuur, Axmed Maclain Fiqi, C/saabir Shuuriye, iyadoo u sheegay inay garab taagan yihiin, kuna taageerayaan xilka uu hayo.

“Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble Waxaan uga mahadcelinnay sida geesinnimada leh ee uu uga hortegey afgambiga. Inqilaabkan oo kale wuxuu dalka ka dhacay 1969 kii, oo lagu afgambiyey hay’adihii rayadka ee dastuuriga ahaa ee dalka. Waxaan u caddeynay in shacabka Soomaaliyeed iyo kan caasimadduba ay garab taagan yihiin” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo kulankaasi ka hadlay.

Axmed Macalin Fiqi ayaa isna sheegay in ay xafiiskiisa booqasho ugu tageen Ra’iisal wasaaraha Rooble, xadgudubyada lagula kacayna waa wax dawladnimada iyo shuruucda dalkaba ka soo horjeeda.

“Kulanku wuxuu ku soo gabagaboobay in Dawladnimada la garab istaago lagana hortago go’aanadii sharcidarrada ahaa ee madaxweynihii hore ku carqaladaynayo geedi socodka doorashada iyo nidaamka dawladnimada, dalkana uu ku geliyey afganbi xaaraan ah” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axme Fiqi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON