Saturday, April 20, 2024

Siyaasiyiinta Beesha Xawaadle oo ka digay burburka Hirshabeelle, haddii xilka Madaxweynaha loogu yimaado

Siyaasyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha Xawaadle oo maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka digay burbur soo wajihi kara Maamulka Hirshabeelle haddii aan xilka Madaxweynaha Beeshaasi loo gaar yeelin.

Siyaasiyiintan oo ay ka dhex muuqdeen xildhibaano, Senatoro iyo madaxdii hore ee Hirshabeelle ayaa soo saaray shan Qodob oo ku saabsan dhismaha maamulka Hirshabeelle, waxaana qoraalkooda ka mid ahaa: “In la ilaaliyo heshiiskii is afgaradka ahaa ee lagu dhisay maamulka Hirshabeelle, kaasoo ku saleysanaa awood qeybsiga qeexaya in Gogosha iyo caasimadda Maamul Gobolleedku yahay magaalada Jowhar, heshiiskaas oo qeexayay in Beesha Xawaadle ay leedahay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle; beesha Abgaalna leedahay madaxweyne ku xigeenka”.

Siyaasiyiintan waxay ka digeen in haddii aan la dhowrin heshiiskii lagu dhisay Hirshabeelle uu keeni karo bubur ku yimaada maamulka Hirshabeelle, waxayna ku doodeen in howsha Doorashada maamulka Hirshabeelle ay koox gaara isku koobtay.

Ad

XOG: Madaxweyne Farmaajo & Agaasimaha NISA oo Qorshe halis ah u dejiyey Doorashada Hishabeelle

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo uu xilka Madaxweynaha Hirshabeelle isku sharxay madaxweyne ku xigeeniii maamulkaasi Cali C/llaahi Guudlaawe, iyadoo ay taageersan tahay Madaxtooyada Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON