Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay inay dalka yimaadaan dadka ka imaanaya afar dal oo cudurka Coronavirus uu si weyn u saameeyay.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda duulist Rayidka Soomaaliya o soo xiganeysa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu wargeliyey shirkadaha diyaaradaha inaysan dalka soo geli karin dadka ka imaanaya dallaka Shiinaha, Talyaaniga, Koonfurta Kuuriya iyo Iiraan.
Go’aankan oo xilli danbe yimid ayaa dhinaca kale waxaan weli wax tallaabo ah laga qaadin Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines oo hore u jebisay amar la siiyey oo ahaa inaysan soo qaadin dadka ka imaanaya Shiinaha.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa hore u dalbtay in tallaabo laga qaado diyaaradaha jebiya amarrada la siiyo ee ah inaysan dalka keenin dadka ka yimaada dalalka uu ku faafay cudurka Coronavirus.
HOOS AKHRISO WARKAN