Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ay diyaar u yihiin dib u bilaabidda wadahadallada mudada dheer hakadka ku jiray.
Keating oo ka hadlay Madasha Golaha xiriirka Dibadda ee CFR ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay diyaar u yihiin in dib loo billaabo wada hadallada dowladda Federaalka ah iyo Somaliland.
Keating waxaa uu xusay in wadahadalka labada dhinaca uu noqonayo mid looga hadlaayo iskaashiga ammaanka, abaaraha, burburka degaanka, Badaha iyo maamulka Hawada.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah iyo Somaliland ay muhiim u tahay iska kaashiga argagixisada iyo burcad badeedda,waxaana uu intaas ku daray in ay muhiim tahay in Somaliya aqoonsato Somaliland, taas oo uu sheegay in ay dan ugu jirto labada dhinac.
Shirkan lama sheegin goobta iyo goorta uu furmayo hayeeshee waxaa jira warar sheegaya in Somaliland diiday in gogosha wadahadallada ee taalla Istanbuul Turkiga iyo doorka dhexdhexaadnimo ee Turliga, waxyna Somaliland dalbatay in Itoobiya lagu wareejiyo gogosha iyo dhexdhexaadinta.