Monday, July 7, 2025

Somaliland oo degaanadeeda ka mamnuucday Idaacadda BBC-Somali iyo Arrinta lagu eedeeyay

Maamulka Somaliland ayaa soo saaray go’aan uu degaanadiisa uga mamnuucay inay ka howlgasho Laanta Afka-Soomaaliya ee Idaacadda BBC-da oo laga leeyahay dalka Ingiriiska.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore shir jaraa’id saaka ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku dhawaaqay go’aanka BBC-da looga mamnuucay degaanada Somaliland, isagoo sabab uga dhigay inay hoos u dhigtay Karaamada Somaliland.

“Dowlad ahaan waxaan Go’aaminay in aan joojino in Idaacada BBC-du ay ka howlgasho deegaanada Soomaliland , ka dib markii ay hoos u dhigtay sharfta iyo Karaamada Soomaliland” ayuu yiri Wasiir Koore oo aan faahfaahin, balse ku eedeeyay inaysan aqoonsan Somaliland.

Somaiiland ayaa marar badan degaanadeeda ka mamnuucday idaacado iyo Xarumo TV-yada Soomaalida ka mida, waxayna si joogto tacadiyo xarig ah u geysataa saxafiyiinta ka howlgala degaanadeeda, iyadoo ka mida maamullada ugu xun ee saxaafaddu ka howlgasho degaanada Soomaalida.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON