Heshiis Itoobiya ku sheegtay inuu taariikhi yahay ayey magaalada Addis ababa ku kala saxiixdeen Ra’iisal wasaarah Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Is-afgaradkan (MOU) ee Itoobiya la gashay Somaliland dhigaya in in Itoobiya ay hesho dhul xeebeed iyo Dekad ay leedahay oo Badda Cas ah, isla markaana ay saldhig milateri ku yeelato Badda Cas ee Somalilad.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Redwan Hussien ayaa sheegay in Is-afgaradka uu sidoo kale ka mid noqon doono “helitaanka Saldhigga Milatariga ee Ciidamada Itoobiya ku yeelan doonaan Badda Cas.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa qoral uu soo saaray kadib heshiiskan kusoo koobay: Maxaa kale oo la oran karaa oo aan ka ahayn in loo mahadceliyo -Allaha- khaaliga ah”.
Muuse Biixi ayaa lag soo xigtay inay ku faraxsan yihiin inay Itoobiya siiyaan 20 KM oo Bad ah, iyaguna ay noqdaan dawladdii ugu horreysay ee na aqoonsata Somaliland.
Tallaabadan ayaa u gogol xaareysa xaqiijinta rabitaanka Itoobiya ee ahaa xaqiijinta helitaanka Bad ay leedahay oo ay dekado ka dhisato.
“Heshiiskii Is-afgaradka ee Iskaashiga iyo Iskaashiga, ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya iyo Somaliland, wuxuu nooqnayaa qaab-dhismeed iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dhinac,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka.
Itoobiya iyo Somaliland ayaa sidoo kale xoojin doontaa iskaashigooda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed.”
Itoobiya waxa ay sidoo kale ku tilmaantay Is-afgaradka in uu calaamad u yahay dib u xaqiijinta “mawqifka mabda’a ah ee Dowladda Itoobiya ee ah in la horumariyo danaha labada dhinac iyada oo loo marayo iskaashi ku salaysan is-dhaafsi.
Heshiiska Is-afgaradku waxa uu keenayaa cutub cusub oo wada shaqayn ah oo muhiimad wayn u leh is dhexgalka gobolka ee geeska. Waxa kale oo ay Itoobiya u sahlaysaa in ay kor u qaado doorkeeda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo ammaanka gobolka.
Arrintan ayaan la ogeyn sida ay uga fal celin doonaan xisbiyad iyo dadka Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo jug xoog leh kasoo gaartay.