Wednesday, June 25, 2025

Somaliland oo War Cad kasoo saartay dagaalka Tukaraq & Puntland oo Digniin soo saartay [Akhriso]

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay qabsadeen degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in Puntland iyo dowladda Soomaaliya ay falal daandaansi ah ka wadeen degaano ka tisan Somaliland, isagoo soo qaatay safar ay degaano ka tirsan Sool iyo Sanaag ku tageen wasiirka Qorsheynta Soomaaliya iyo wasiirka amniga Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in ujeedka ciidamada Somaliland ay tahay inay sugaan xuduudka Somaliland oo hore ay wax badan uga gaabsadeen, basle ay ka go’an tahay inay soo xiraan xuduudkooda.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed C/llaahi Yuusuf ayaa uga digay Somaliland dagaal ku soo qaaday aaggaga ciidamada Puntland ku sugnaayeen, wuxuuna sheegay inay Puntland ka jawaabi doonto, isla markaana tallaabo qaadi doonto.

Wasiirka Puntland wuxuu ku eedeeyay Somaliland inay gacan siineyso argagixisada ay Puntland dagaalka kula jirto oo howlgalka socda ay ka horjeedo, wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay inay arrintaas la socdaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON