Sunday, June 22, 2025

Somaliland oo xirtay weriyeyaal Dood ka qabtay Heshiiska Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay weriyeyaal qabtay dood ku saabsan heshiiska muranka dhaliyay ee dhex maray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland ee lagu bixiyay Dhul iyo Saldhig Badeed.

Ciidamada Somaliland ayaa xalay weerar ku qaaday Xarunta Telefisganja MM-TV ee Magaalada Hargeisa, xilli ay socotay Dood toos looga dhageysanayay Barta ‘”‘X’, waxaana qoraal uu soo saaray MM TV lagu sheegay inay askartaasi dhibaato iyo gacan ka hadal ugu gaysteen Maamulka iyo xubno ka tirsan hawl-wadeenada.

Xubnaha tacadiyadaas lagula kacay ayaa kala ahaa: Maxamed Abdi Ilig (Guddoomiyaha MM-TV), Ilyaas Cabdinaasir iyo Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Andar), waxayna Ciidamada burburiyeen qalabkii xarunta, iyagoo qayb kalena way qaateen.

Ad

Sida lagu sheegay War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxa Magaalada Muqdisho TV, ciidamada Somaliland waxay joojiyeen dood ka socotay Barta Twitter-ka ee TV-ga dooddaas oo ku Saabsanayd “Faa’iidada iyo Halista uu yeelan karo Isfahamka Badda ee Somaliland iyo Ethiopia”.

TV-ga wuxuu sheegay in doodda oo aanay ku jirin wax dambi iyo xadgudub ah, iyadoo uu ka qeyb galay Faysal Cali sheekh oo ah Masuul ka tirsan Xukuumadda Somaliland. Dhinaca kale waxaa ka qeyb galay Yuusuf Garaad Cumar, oo Xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadda Soomaaliya.

“Maamulka iyo Shaqaalaha MM-TV, waxay cambaaraynayaan weerarka iyo xadhiga sharci darrada ah ee lagula kacay Maamulka MM-TV iyo xubnaha shaqaalaha ah. Waa gaf, awood sheegasho, cabudhin, ku tumasho sharci iyo kalsooni darro haysata dadka arrintan ka dambeeyay”.” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Abdishakur Dayib, Agaasimaha Guud ee MM-TV.

- Advertisement -

Waxa aanu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland in lasii daayo guddoomiyaha iyo xubnaha laga xidhay MM-TV, baadhitaana lagu sameeyo xadgudubka iyo Burburinta loo gaystay Xarunta MMT.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON