Thursday, June 26, 2025

SONNA oo War yaab leh ka qortay Xasan Sheekh [Madaxweynaha oo ka cabsi qaba kacdoon shacbi]

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in Shacabka oo la kiciyo, iyadoo loo sheegayo waxybaabo aan jirin, taasoo uu sheegya in laga dhaxli karo dhibaatada oo sii dheeraata.

Sida ay kasoo xigtay SONNA Xasan wuxuu ku baaqay  in wadajir loo ilaaliyo Nidaamka dowladnimo isagoo digniin ka soo saaray la dhigo Kacdoon lagu dumiyo Nidaamka dowladnimada ee Dalka ka jira oo   la mida kii lagu riday dowladdii Milatariga ee ka jirtay sanadkii 1991-kii.

“Soomaaliya waxaa ay Burbur iyo Dagaal ku jirtay Mudo Rubac Qarni ah, hadda waxay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda hayaan waddadii Dowladdnimo, marka ma ahan in aan gacanteena ku dumino, waayo waxaa la xasuustaa waxii laga dhaxlay Dowladdii dhexe ee Dalka uu lahaa markii la riday” ayaa laga soo xigtay Xasan Sheekh.

SONNA ma sheegin halka uu madaxweynaha warkan ka yiri iyo munaasabadda ay ahayd midna, laakiin waxaa ka muuqda inay Xasan Sheekh soo wajahday xaalad quus ah iyo cabsi haddiiba ay sax tahay in warkan laga soo xigtay Xasan Sheekh.

Xilligan kala guurka ah ayaa la dareemay in khilaaf ba’an ka dhex taagan yahay xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, mana cadda in warkan ay Wakaalada Wararka dowladda ka qortay madaxweynaha xilka sii haya uu yahay mid ka mida loolanka siyaasadeed ee ka dhex oogan madaxda dowladda oo dhammaantood musharixiin ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON